War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa faahfaahin looga bixiyay howlgallo ay ciidanka xoogga dalka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaanka Buula Madiina oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa waxaa fuliyay ciidanka Kumaandooska gaarka ah ee Xoogga dalka, iyadoo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS oo maxaabiis ahan u heystay dad rayid ah.
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in la soo daayay ugu yaraan 30 ruux oo AS ku hayeen xabsi sharci darro ah.
Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ayaa xustay in howlgalka lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan AS, isla markaasna hayay dadkaan rayidka ah.
Hore Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay baabi’isay Maxkamadaha AS ay ku leeyihiin gobollada dariska la ah magaalada Muqdisho, kuwaasi oo looga yeero dadka rayidka ah.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda.
Mustaqbal
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…