Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa ka qeyb-galay Shirkii 1-aad ee Caalamiga ah ee dalalka looga hadlo Luuqadda Talyaaniga, kaasi oo lagu qabtay Villa Madama, Rome.
Shirka ayaa ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo doorka luuqadda Talyaaniga ee caalamka iyo in la abuuro iskaashi cusub oo dhinaca dhaqanka iyo diblomaasiyadda ah.
Inta lagu jiray shirka, waxaa la aas-aasay, oo noqon doonta gole joogto ah oo loogu talagalay kor u qaadidda wada-hadalka, iskaashiga, iyo luuqadda Talyaaniga.
Shirka ayaa isu keenay diblomaasiyiin, khubaro luuqadeed iyo wakiillo ka kala socday dunida, kuwaas oo ka wada hadlay sida luuqadda Talyaanigu ugaalin karto nabadda, is-fahamka iyo xiriirka dalalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Italy, Antonio Tajani, ayaa sheegay in luuqadda Talyaaniga ay tahay luuqad mideyneysa oo horseed u noqon karta horumar, wada-hadal iyo nabad.
Wasiir Abdisalam Ali ayaa sheegay in Soomaaliya ay siineyso barashada luuqado kala duwan, gaar ahaan Talyaaniga, si loo xoojiyo xiriirka caalamiga ah.
Shirku wuxuu ku soo dhammaaday baaq ah in dalalka ka qaybgalay ay sii xoojiyaan luuqadda Talyaaniga, isla markaana ay taageeraan barnaamijyada dhiirrigeliya is-dhaafsiga dhaqanka iyo kala-duwanaanshaha luuqadaha.
Mustaqbal
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…