WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dalka Kolombiya

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid qorshaha lagu kala qeybinayo dalka Suuriya, iyadoo cambaareysay Go’aanka uu dalka Kolomiya Buuraleyda Golan ugu aqoonsatay dhul ay leedahay ISL.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay Dowladda Kolombiya oo taageertay tillaabada ay Israa’iil dhulkeeda ugu darsatay Buuraleyda Golan.

“Dowladda Soomaaliya waxay taageereysaa in khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Suuriya lagu xalliyo wada hadal iyo in loo hoggaansamo sharciyada caalamiga ah, waxaan xaqiijineyna in Suuriya ay leedahay dhulkeeda wixii ka horreeyay sannadkii 1967″

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Aqoonsi kasta oo noocaas ah waa mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ka hor imaanayaa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, buuraleyda Golan waa dhul Suuriyaan ah oo la haysto”

Hadalka ka soo yeeray Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha cusub ee dalka Kolomiya uu Buuraleyda Golan u aqoonsaday dhul ay leedahay Israa’iil, tillaabadaasi oo uu hore u qaaday Mareykanka.

Musatqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Ilhaan Cumar oo markale difaacay Kursiga ay ku fadhiso

Xildhibaan Ilhaan Cumar katirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa markale difaacay Kursiga ay ku metasho Xisbiga…

4 hours ago

Sacdiya Bajaaj oo maanta dib xorriyaddeeda u heshay

Sacdiya Macallin Cali oo ku magac dheer Sacdiya Bajaaj oo dhammaadkii June ee sannadkaan uu…

5 hours ago

Madaxweyne Zelensky oo magacaabay Safiirka Ukraine ee Soomaaliya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Yury Tokar usoo magacaabay in uu noqdo Danjiraha Dalkiisa ee…

5 hours ago

Suxufiyiinta Aqalka Cad oo Shirqool ku tilmaamay in Trump laga reebay diyaaraddii uu la raacay

Suxufiyiinta ku qoran soo gudbinta xogaha iyo wararka Aqalka Cad ee Maraykanka oo dib ka…

7 hours ago

Shiinaha oo Maraakiib dagaal u soo diraya Biyaha Soomaaliya

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…

8 hours ago

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo maanta shaacinaysa Xukunka Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…

8 hours ago