Xildhibaan Ilhaan Cumar katirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa markale difaacay Kursiga ay ku metasho Xisbiga Dimuqraadiga ee Degmada 5aad ee Gobolka Minnesota sida ay ku warrameen ilo ku dhow natiijada codbixinta ay ka heshay.
Ilhaan ayaa heshay 80% codadkii la dhiibtay, tani waxa ay usoo gacangelisay in markale ay ku fadhiisato kursiga Aqalka Congress-ka maadaama ay ka adkaatay dhowr musharrax oo damac uga jiray ku guullaysiga kursigaas.
Doorashada hordhaca ah ee Maraykanka oo ah mid ka dhex dhacda Xisbiyada ayay Ilhaan ku kasbatay codadka dadkii codaynayay ee Dimuqraadiga katirsan waxaana loo arkaa in ay weli haysato taageerrada xubnaha Xisbigaas.
Ilhaan oo og in jallaafooyin badan uu iga imaanayo dhinaca Madaxweynaha talada haya ee Dalka Maraykanka oo aan Xisbigeeda katirsanayn ayaa hardan u gashay sidii ay ugu guullaysan lahayd kursigaan oo ugu dambayn ay xajmisatay sii haysashiida.
Mustaqbal
Sacdiya Macallin Cali oo ku magac dheer Sacdiya Bajaaj oo dhammaadkii June ee sannadkaan uu…
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Yury Tokar usoo magacaabay in uu noqdo Danjiraha Dalkiisa ee…
Suxufiyiinta ku qoran soo gudbinta xogaha iyo wararka Aqalka Cad ee Maraykanka oo dib ka…
Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Biyaha Soomaaliya ay usoo dirayso Maraakiib dagaal oo…
Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo dhowaan dhagaysatay racfaanka qareennada Sacdiyo Macallin Cali oo loo…
Koobka EUFA Super Cup oo ah mid la dhex dhigo Kooxaha ku kala guullaysta Horyaalka…