Last News

Dowladda Soomaaliya oo billaawday dhismaha Dowlad goboleedka SSC Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed ruux oo ka shaqeyn doono howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in guddigaan  guddoomiye iyo ku xigeen looga kala dhigay Dr. Axmednuur Maxamed iyo Cabdinasiir Xaaji Maxamed.

Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa noqon doona Axmed Shire Axmed, Carafaat Cali Maxamed, Axmed Yuusuf Maxamuud, Rufaci Maxamed Salaad, Maxamuud Siciid Nuur iyo Fadumo Cabdi Cali.

Guddigaan ayaa si gaar ah ka shaqeyn doono Talo-bixin iyo fududeyn ku saabsan dhamaystirka maamulka. Isku xirka hay’adaha federaalka iyo kuwa deegaanka. Talabixinta dhismaha hay’adaha maamulka deegaanka.  Soo diyaarin warbixino joogto ah oo lagu wargeliyo Wasaaradda.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in mudada Guddigu ayaa noqon doonaa ilaa laga dhamaystirayo maamulka Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo.

“Guddigu si toos ah ayuu ula xisaabtami doonaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, iyagoo soo gudbin doona warbixinno bille ah oo muujinaya horumarka howlaha” ayaa lagu yiri qoraalka magacaabista.

Safarkii bishii April ee sannadkan Ra’iisul wasaare Xamse ku tagey magaalada Laascaanood ayaa keenay in la dardar galiyo howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Hoos ka akhriso Wareegtada

 

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

35 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

49 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago