GUDAHA/wararka

Kulamada Beesha Caalamka iyo Mucaaradka oo weli ka socda Muqdisho.

Xubnaha Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madasha Mucaaradka ayaa shir ku leh xerada Xalane, iyagoo ka wada hadlaya xal u helidda khilaafka doorashooyinka.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxda mucaaridka ay dhowaan kulan la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, balse aan la shaacin heshiis rasmi ah oo laga gaaray.

Afhayeenka Madasha mucaaridka ayaa sheegay in qodobo qaar la isla meel dhigay, hase yeeshee weli aan la gaarin heshiis buuxa, iyadoo qodobbada doorashooyinka ay weli khilaaf ka taagan yihiin.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Madasha Samatabixinta ay Beesha Caalamka u gudbisay cabasho ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan dhab ka ahayn in la gaaro heshiis rasmi ah, balse uu doonayo in uu waqtiga iibsado.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ku bixinaysa in la gaaro heshiis wadar ogol ah ka hor dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

8 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

10 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

13 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

14 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

15 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

15 hours ago