GUDAHA/wararka

Bixitaanka ciidanka Burundi ee gudaha Soomaaliya oo dib loo dhigay

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya loo kordhiyey lix bilood oo dheeraad ah, taasoo beddelaysa qorshihii hore ee lagu waday inay dhammaanayaan bixitaankooda 30-ka June 2025.

Go’aankan ayaa yimid kaddib kulan lagu falanqeeyey dib u dhac ku yimid howlgalka cusub ee, kaasi oo beddelaya howlgalkii hore ATMIS.

Dib u dhacyadaas ayaa si gaar ah ugu yimid dalalka ciidamada keeni lahaa, gaar ahaan dalka Masar, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

Ciidamada Burundi ayaa sii joogi doona Soomaaliya si ay u xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah AS, isla markaana u taageeraan dowladda Soomaaliya.

Kordhinta lixda bilood ah ayaa ujeedkeedu yahay in la siiyo waqti dheeraad ah dhammaan waddamada ciidamada ku soo dari doona AUSSOM si ay u dhameystiraan diyaar garowgooda.

Midowga Afrika ayaa hoosta ka xarriiqay caqabadaha weli horyaalla geeddi-socodka kala guurka, oo ay kamid yihiin dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa agab, kuwaasoo si weyn u saameeyey qorshaha kala guurka.

Burundi ayaa muddo ka badan toban sano kaalin muuqata ka qaadanaysay nabad-ilaalinta Soomaaliya, balse dhawaan ayay ku dhawaaqeen in ay ka baxayaan dalka sababo u gaar ah.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

8 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

10 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

13 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

14 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

15 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

15 hours ago