Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal ay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ku qaadeen Xubno ka tirsan AS oo ku sugnaa deegaanka Gumarre ee hoostaga degmada Moqokori, gobolka Hiiraan.
Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen goobihii lagu dagaalamay, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaaminaysay ayaa sheegay in weli howlgalka socdo dhanka deegaanka Ceel-qooxle, iyada oo weli la maqlayo hub culus.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka, haddana Wasaaradda ayaa xustay in uu jiro khasaare kala duwan.
Degmooyinka iyo deegaannada hoos yimaada Moqokori ayaa bilooyinkii u dambeeyay waday howlgallo ka dhan ah AS oo ka socday gobolka Hiiraan.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…