GUDAHA/wararka

Itoobiya oo Mareykanka ku dacweysay Eretriya

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo dowladda Eritrea inay qorsheynayaan weeraro ay ku soo qaadaan dalkaasi, iyagoo kaashanaya kooxo hubeysan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa warqad uu u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ku sheegay in la helay xog sugan oo muujineysa in Eritrea iyo TPLF si dhow uga shaqeynayaan qorshe colaadeed oo halis gelin kara xasilloonida gobolka.

Itobiya ayaa sheegtay inay tan iyo 2018 diyaar u ahayd inay xiriir wanaagsan la yeelato Eritrea, kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen Heshiis Nabadeed iyo Saaxiibtinimo, tillaabadaasi oo abaalmarinta Nabadda ee Nobel lagu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed sannadkii 2019.

Hase yeeshee, dowladda Itoobiya ayaa hadda si toos ah u eedeysay Eritrea inay dagaalkii Tigray u adeegsatey fursad lagu wiiqo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in ay muujiyeen is xakameyn xitaa, iyaga oo la kulmaya weerarro joogto ah oo ka imanaya Eritrea, wuxuu soo jeediyay in hadda lagu xad gudbayo madax-bannaanida dalkiisa.

Dhinaca kale, dowladda Eritrea ayaa beenisay eedeymaha Itoobiya, waxayna ku sheegtay qorshe Itoobiya ay ku raadineyso in ay u hesho marmarsiiyo ay ku bilaabaan dagaal muddo dheer la qorsheynayay.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay wado hurin dagaal iyo iibsasho hub badan, iyagoo sidoo kale ku eedeeyay dowladda Abiy Ahmed inay rabto in ay xoog ku hesho dekedaha Eritrea.

Inkastoo ciidamo Eritriya ah ay ka barbar dagaalameen kuwa Itoobiya intii uu socday dagaalka Tigray, haddana waxaa hadda meel sare gaareysa xiisadda u dhaxeysa labada dal ee dariska ah.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

11 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

13 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

16 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

17 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

17 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

18 hours ago