Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu waa inuu maanta u safro dalka Masar, halkaasi oo kulamo kula yeelan doono dhigiisa dalkaasi, Cabdilfitaax Alsiisi.
Sida ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen kulanka ayaa diirada lagu saari doona dhinacyada Amniga gaar ahaan Howlaha Ciidanka AUSSOM ee Masaarida.
Madaxweyne Al-siisi ayaa dhigiisa Xasan Shiikh uga warbixin doono halka ay marayaan howlaha soo daabulista Ciidanka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.
Kulanka Madaxda Soomaaliya iyo Masar wuxuu ku soo aadaya xilli xiisadda ka taagan gobolka ay sare u kacday, ka dib markii Itoobiya ay dhammeystirtay biyo xireenka Nile, tillaabadaasi oo ay diidan yihiin dalalka Suudaan iyo Masar.
Sidoo kale, Itoobiya iyo Eretareya oo ah dalalka ku dhow Soomaaliya ayaa khilaafkooda soo cusboonaday, arrintaasi oo walaac laga muujinayo.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…