Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhawaan soo bandhigi doonto lacag cusub oo dalka loo soo daabacay, isla markaasna ay howshaasi gaba gabo mareyso.
Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Iimaan ayaa sheegay in dowladda ka go’antahay sidii loo heli lacag la jaanqaadi karta Suuqa Dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaasna badali karta Shilinka Soomaaliga.
“Marka lacag laga hadlayo ma ahan in warqado la soo daabaco ee waa in la daraaseeyo Xasiloonida dhaqaalaha si looga fogaado sicir barar” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay wararka sheegaya in lacag Shilin Soomaali ah lagu daabacay dalka Suudaan, isagoo ku gaabsaday in lacagahaasi ay la xiriireen arrimo siyaasadeed, isla markaasna ay soo wadaan mid ka duwan.
Hadalka soo yeeray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan uu istaagey isticmaalka lacagta Shilinka oo muddo dheer bulshada wax ku kala iibsan jirtay.
Joojinta Shilinka Soomaaliga ayaa u soo socotay si tartiib tartiib ah, iyadoo Caasimadda Muqdisho laga diiday sannadkan 2026, waxaana tillaabadaasi ay saameysay dhaqaalaha dalka iyo wax kala iibsiga bulshada.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…