Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda halkaas oo dhammaadka bishaan uu ka dhacayo Shir looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudbin doonna Warbixin la xiriirta amniga Dalka, diyaargarowga Dowladda Federaalka ee qaadashada mas’uuliyadda Amniga iyo arrimaha farsamo ee howlgalkaan looga baahan yahay.
Madaxda Dalalka ay ka socdaan Ciidanka AUSSOM oo isugu jira Militari iyo Booliis ayaa dhankooda gudbin doonna macluumaadka dhinaca amniga ah ay ka hayaan Soomaaliya & tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado.
Madasha waxaa lagu soo bandhigi doonnaa waxyaabihii kasoo baxay shirarkii ka kala dhacay Muqdisho iyo Addis Ababa ee u dhaxeeyay Khubarrada amniga, Saraakiisha Ciidanka, Wakiillada Dowladda Federaalka, Midowga Afrika & Dalalka taageera howlgalkaan.
Midowga Afrika ayaa shalay ballanqaaday in si buuxda mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya loogu wareejin doonno Ciidamada Xoogga Dalka, waxa uu ururku sidoo kale shaaciyay in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taagan yahay mas’uuliyaddaas.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…