Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda waxaa ka socda diyaargarowga shirka u dhaxeeya Madaxda Dalalka Soomaaliya usoo diray ciidamada AUSSOM iyo Dowladda Federaalka si ay uga hadlaan Mustaqbalka howlgalkaan iyo culayska soo kordhay.
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya uuna kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa saacado kahor gaaray Magaalada Kampala, waxaana maanta ilaa berri gelinka hore lagu wadaa in wufuud kale ay tagaan Uganda.
Shirka guud ee u furmaya Madaxda dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya waxaa dhinac socda kulamo gaargaar ah oo mas’uuliyiintu yeelanayaan si ay uga fakiraan baaqa wadajirka ah ay ku wajihi doonnaan culayska dhaqaale ee AUSSOM soo wajahay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay madasha la tagi doonno baaq ku saabsan in la taageero ciidamada ammaanka iyo la dardargeliyo howlgallo ballaaran oo ciidamadu ku qabsanayaan goobaha ay joogaan ‘AS’
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka HirShabeelle ay ka billowday howlgal ay…
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhawaan soo bandhigi doonto lacag cusub oo dalka loo…