Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay kordhisay 70 boqolkiiba dahabka ay ka qaadaneyso gudaha dalka Suudaan, tillaabadaasi oo walaac laga muujiyay.
Hay’adda Swissaid oo fadhigeedu yahay dalka Swizerland ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kordhiyay dahabka uu ka daabulayo dalka Suudaan, taas oo kor u qaadaysa walaaca dagaalka sokeeye ee ka socda dalkaasi.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Imaaraadku sanadkii 2024 helay 29 tan oo dahabka Suudaan ah, marka la barbar dhigo 17 tan sanadkii 2023, taasi oo muujineysa farqi wayn oo sannad kasta sii kordhaaya.
Hay’adda Swissaid, oo adeegsatay xogta ganacsiga ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in Imaaraadku yahay dalka ugu weyn ee adduunka ee Afrika ka dhoofsada dahabka, iyagoo guud ahaan sannadkii 2024 helay 748 tan, taasi oo ah koror gaaraya 18% marka la barbardhigo sanadkii ka horreeyay.
UAE ayaa haatan ah dalka labaad ee ugu weyn adduunka ee soo dejista dahabka, kaddib Switzerland.
Warbixinta ayaa ku tilmaantay Imaaraadka xarun caalami ah oo lagu kala iibiyo dahab laga keeno meel asal-shaki leh, iyadoo la rumeysan yahay in qayb ka mid ah dahabkaas uu ku lug leeyahay dhaqaalaha dagaalka ee ka socda gudaha Suudaan.
Dagaalka dalka Suudaan ka socda tan iyo 2023 ayaa sababay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn Afrika, iyadoo malaayiin qof barakacayaal noqdeen.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u diiday eedeymaha sheegaya inay hub siiso ciidamada taageerada degdega ee ku dagaallamaya gudaha Suudaan.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…