Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ku guulleysatay degmada Howlwadaag, iyadoo ay hartay degmada Warshiikh.
Ciyaarta oo ahayd mid kulul, ayaa ugu dambeyn 2-1 guushu ku raacday Howl-wadaag, taasoo markeedii labaad oo ay ku guulleysto koobka tartanka degmooyinka Banaadir.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii goobta joogtay, taas oo kor u sii qaaday qiimaha iyo xamaasadda ciyaarta.
Ciyaaryahanada Warsheekh ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag intuu socday Koobka, waxaana qaar kamid ah xidigahooda la guddoonsiiyay bilado.
Dhinaca kale, guulleystayaasha tartanka Howlwadaag iyo macalin Xamaam ayaa la guddoonsiiyay koobka.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…