Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo nidaamka socdaalka ee deegaannada Puntland.
Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in ruqsadda gelitaanka iyo socdaalka ee dadka Ajanabiga ah ay bixiso Wasaaradda Amniga gudaha ee deegaannada Maamulkaasi.
Go’aankan ayaa si toos ah uga hor imaanaya nidaamka E-Visa ee ay hirgelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Puntland ayaa ku dhawaaqay in la hawlgelin doono Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland (PID), taas oo si rasmi ah u shaqo bilaabi doonta 1-da Janaayo 2026.
Qoddobkani ayaa ka hor imaanaya Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo ay maamusho Dowladda Federaalka, isla markaasna si toos ah u diiwaan galiya Muwadiniinta Soomaaliyeed.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…