Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, Danjire El Xaaji Ibrahima Diine ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Danjire ku-xigeenka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya, Ketema Haile.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta Howlgalka AUSSOM iyo Dowladda Itoobiya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka AS.
Danjire Diene ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya kaalin ka qaataan howlgalka AUSOM gaar ahaan dagaalka AS iyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Koofurta dalka.
Dhankiisa Danjire ku xigeenka Itoobiya ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan sidii Soomaaliya u noqon laheyd amni.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli sannadkaan billaawgiisa la howlgaliyay ciidanka AUSSOM ee qeybta ka ah nabad ilaalinta Soomaaliya, isla markaasna ay kamid yihiin dowladaha Itoobiya, Uganda, Masar iyo Kenya.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…