Galabta ayaa lagu wadaa in garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho lagu qabto ciyaar dhex mari doonta kooxaha matalaya degmooyinka Warshiikh iyo Howlwadaag, kuwaas oo kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir.
Ciyaartan oo qeyb ka ah Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay u soo daawasho tagaan boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo xilli hore sii tagey garoonka Stadium Muqdisho.
Sidoo kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in goobjoog noqdaan kulan degmooyinka Warshiikh iyo Howlwadaag.
Garsooraha caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa qabanaya kulankan, maadaama uu xamaasad gaar ah lee yahay.
Taageerayaasha iyo dadka jecel ku badda cagta ku tilmaamay kulankan mid muujinaya nabadda iyo amniga ka jira caasimadda dalka ee Muqdisho.
Dhowaan kulan gaar ah oo ay yeesheen Taliska Qeybta booliiska gobolka Banaadir ayaa la amray in aan hub lala soo gali karin Garoonka Stadium Muqdisho, si looga fogaado.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…