Midig: Dr: Maxamed Axmed Maxamuud Sayid Bidix: Dr: Cabdirashiid Cabdi Ismaaciil
Dooddan oo ay kaqaybgaleen 100 qof oo isugu jira Barayaal wax kadhiga Jaamacado kaladuwan, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo culimada diinta ayaa waxa soo qaban qaabiyey Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista ee magaalada Muqdisho.
Aqoon yahanka kaqaybgalay doodda ayaa si weyn u lafaguray sababaha isbeddelka geeska Afrika, Waxtarka uu u leeyahay Soomaaliya iyo mashaakilka uga imankara Soomaaliya haddii aanay si wanaagsan u la falgelin, doood cilmiyeedkan ayaa xoogga lagu saaray sida ugu wanaagsan ee Ummadda Soomaaliyeed uga qaybqaadan karto islamarkaana uga faa’iideysan karto isdhexgalka iyo wax wadaqaybsiga kabillowday geeska Afrika.
Mascuud Weheliye guddoomiyaha Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista oo furay dood-cilmiyeedka ayaa carrabaabay sida uu ugu faraxsan yahay in kaadir iyo aqoon yahan badan ay kasoo qaybgaleen dood cilmiyeedkan, islamarkaana ay soo bandhigaan wixii aragti iyo cilmibaaris ah ee ay kaqoreen isbedelka kadhacay geeska Afrika.
“Nuxurka dooddu waa in ay qeexdo dabaylaha isbeddelka ee ka dhacaya geeska Afrika ummadda Soomalaiyeed faa’iido miyaa ugu jirta mise dhibaato ayaa ugu jirta” waxa aan Xayaat ayah dooneynaa in aan si cilmi ah aan u qeexno arrintaas.
Dr: Cabdirashiid Cabdi Ismaaciil oo ah bare sare oo cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda kadhiga jaamacadda Helisinki ee dalka Finland ayaa dood cilmiyeedka ku billaabay cilmibaaris kooban oo kusaabsan sababta Isbeddelada iyo dabaysha geeska Afrika
Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: “Sidii ay u timid aragtida la dagaalanka Argagixisada ee Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedku ay horkacayeen kuna mashquuleen dagaalkaas waxaa dhacay in Raashiya iyo China ay koraan dhaqaale iyo horomar weyna ay sameeyaan, Turkiga iyo China maalgashi iyo xiriirballaaran ayay ka sameysteen Afriaka si gaar ah geeska Afrika, taasi waxa ay Mareykanka tustay in saameyntiisa geeska Afrika ay hoos u dheceyso ama ugu yaraan ay halisi ku wajahan tahay, sidaas awgeed waxa ay ahayd lama huraan in Isbeddelka Itoobiya dhaco kaddibna uu ku faafo geeska Afrika”
Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: Dareenka xagga Amniga ah iyo welwelka nabadgelyadu kuma koobna Soomaaliya ee waxa uu wada quseeya dhammaan waddamada iyo shucuubta geeska Afrika.
Dood-cilmiyeedka ayaa lafaguray Haysashada gobolka geeska Afrika (Regional super power) iyo sida ay dowladuhu ugu tartamayaan sidii ay u noqon lahaayeen awoodda iyo hormuud gobolka ee hoggaanka, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, aqoon yahanada kaqaybgalay dood-cilmiyeedka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Raisalwasaare Abiy Axmed ula heshiinayo Ereteriya, Soomaaliya iyo Jibuuti ay tahay in uu sameeyo isbadbaadin siyaasadeed (Political survivor) si uu u sameeyo in Itoobiya ugu yaraan ay sii ahaato hoggaanka gobolka.
Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo Bare Sharciga kadhiga Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in 6 arrimood ay sababi doonto in Soomaaliya aanay si wanaagsan uga faa’iideysan isdhexgalka iyo waxwadaqabsiga geeska Afrika, sababahaas ayuu kusheegay
Maxamed Axmed Maxamuud Sayid ayaa yiri: “Abiy Axmed iyo Xayle Maryan Deselin (Haile Meriam Desaline) Waxa ay shaaciyeen in Bangiga dhexe ee Itoobiya uu xubeero yahay oo aan wax lacag ah kujirin sidaas awgeed Waddamo reer Galbeed ah oo Mareykanku u horreeyo ayaa Imaaraadka u diray farriin ah in ay 3 Bilyan oo lacag ah ay siiso Bangiga dhexe ee Itoobiya si loo badbaadiyo looguna sameeyo horumarin, ujeedku waxa uu ahaa in lacagta iyo dhaqaalaha oo Itoobiya oo hoos u socday laga badbaadiyo dhibkaas dhaqaale
Haddii uu dhaco isdhexgal sax ah (true integration) Soomaalidu waxa ay ka gelayaan meesha ugu sarreysa”
Xidlhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kaqaybgalay doodda ayaa yiri:
“Labada walxood ee saldhigga u ah ilbaxnimada iyo noloshu meesha aan Soomaali ahaan adduunka uga naal ayay yaallaan
Mid waa Xiriir (Communication) midna waa Dhaqdhaqaaq (Mobility) dabaylaha kadhaca badweynta India oo aan qayb ka nahay waxa ay fududeeyeen isdhexgalka iyo ilbaxnimada, waxa aad ogtihiin kaalinta aan ku leenahay Soomaali ahaan Indian Ocean
Isbeddelka kadhacay Itoobiya kuma imaan xoog iyo dagaal ee waxa uu kuyimid maamulkii Tigreega oo ahaa qowmiyad laga tirada badan yahay oo dadkiisii gacan bir ah ku qabtay si adagna u maamulay oo meesha kabaxay, isbeddelkaas waxa uu ahaa lagama maarmaan
Madaxaweynaha Eretria ayaa igu yiri waadnaan is ogeyn ee haddii aad u maleysaan in aad Afrika Seynta uga taallaan waxa aad u tihiin Afrika horyaal. Itoobiyana idinka ayay idin dabakacdaa ee ma ogidin:
1969kii ayaad kacdoon milateri sameyseen, Itoobiya oo caabudu jirtay Xayle salaase ayay rideen, waxa aad qaadateen Hantiwadaagga cilmiga kudhisan iyaga oo Mareykan la haysta ayay kategeen oo Midowgii Sofiyeeti, 1991 inqilaab nidaamkii ayaad riddeen iyaguna 3 bil kaddib ayay rideen, 20 sano waxaa haystay maamul tigree la yiraahdo oo ah kuwa laga badan yahay”
Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah aqoon yahankii kaqaybgalay doodda ayaa sheegay in Soomaalidu haysato dhowr fursadood oo ay isbeddelka kadhacay geeska Afrika kuwajihi karaan, waxaa uu sheegay in fursadahaas ay mid walba leedaha halisteeda, waxa uu yiri:
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ahaa culimadii kaqaybgashay Dood cilmiyeedkan ayaa sheegay in ay muhiim u tahay ummadda Soomaaliyeed in ay si mug leh uga faa’iideysato isbeddelada kadhacaya gobolka iyada oo garaadka iyo dhiifaha bulshada Soomaaliyeed looga adeegsan karo kafaa’iideysiga isbedelka kasocda gobolka geeska Afrika.
Dhismaha Hay’adaha dowladda
Aqoon yahankii kaqaybgalay doodcilmiyeedka ayaa muujiyey yididiilo iyo Quus isdabayaal oo ay yididiiladu kabadan tahay quusta, waxa ay sheegeen in kaddib 18 sano oo ay socotay shaqada dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed ay hay’adaha dowladdu maanta leeyihiin yididiilo fiican oo ay kumaareyn karaan isbeddelka geeska Afrika, sidaas awgeed waxa ay kutaliyeen in awood iyo xoog badan la geliyo dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Natiijada ka soo baxday dood-cilmiyeedka
Kaddib muddo 4 saac ah oo dooddan cilmibaaristu socotay waxa ay aqoon yahanku islagarteen in ay muhiim tahay tixgelinta qodobadan:-
Xarunta Xayaat e tababarada hoggaamineed & Cilmibaarista
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…