GUDAHA/wararka

DG Puntland oo sheegtay in Deegaannada Maamulkaas ay joogaan Ciidamo DFS ay Mushaar siiso

Lataliyaha Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdi Xirsi Qajrab ayaa sheegay in deegaannada Maamulkaas ay joogaan Ciidamo mushaarkooda ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qarjab ayaa tilmaamay in Ciidamadaas ay la howlgalaan ciidamada kale ee Dowlad-Goboleedka Puntland ay bixiso Mushaarkooda, waxa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku dhaliilay hannaanka ay ciidankaas u diyaarineyso.

Tirada ciidamada ku sugan Deegaannada Dowladd-Goboleedka Puntland ayuu ku sheegay 1376 Askari, Lataliye Cabdi Qarjab ayaa sheegay in qaar kamid ah Ciidankaas ay qayb ka yihiin howlgalka Hilaac ee ka socda Buuraha ee Maamulkaas.

Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka ee PSF ayaa dhowaan kaalin weyn ka qaatay adkaynta Amniga Madaxda Dowladda Federaalka oo tagay Magaalada Laascaanood xarunta Maamulka Waqooyi Bari iyaga oo ka qaybgalay Caleemosaarka maamulkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago