GUDAHA/wararka

Baarlamaanka Carabta oo Soomaaliya u ballanqaaday in uu ka gacansiinayo Amniga & Madaxbannaanideeda

Baarlamaanka Carabta ayaa ballanqaaday in uu Soomaaliya ku garab taagan yahay adkaynta Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanideeda, waxa uu meel fog ka istaagay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo sida hadalka loo dhigay.

Bayaanka Baarlamaanka Carabta ayaa lagu xusuusiyay cid weliba oo faragelin ku heyso Soomaaliya, Yemen iyo Dal weliba oo ururkaan xubin ka ah in lagula xisaabtamayo, waxaana loogu baaqay in ay gacmaha kala baxaan arrimaha dalalkaas.

Furitaanka Kalfadhiga labaad ee Golaha Guud ee Baarlamaanka Carabta ayaa intii lagu jiray waxaa laga soosaaray bayaankaan lagu garab istaagay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo dhinacyada faragelinaya loo diray digniin culus.

Soomaaliya ayaa garab istaag la xiriira sidii ay uga hortagi lahayd kala qaybinta Dalka & faragelinta gudaha waxa ay ka helay Waddamo, Ururro ay xubin ka tahay iyo dhinacyo kala duwan kuwaas oo soo jeediyay in la dhowro madaxbannaanideeda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

3 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

7 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

8 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

9 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

9 hours ago