GUDAHA/wararka

DG Jubbaland oo sheegtay in ay dishay sarkaal katirsan AS

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas oo kaashanaya Kumaandooska DANAB ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Jamaame lagu dilay sarkaal katirsan ‘AS’ oo lagu magacaabo Faarax Jibriil iyo 7 kamid ah ilaaladiisa sida hadalka loo dhigay.

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in xubinta la dilay muddo ay ku raad-joogeen waxaana ugu dambayn maamulkaas shaaciyay in lagu guulaystay in howlgalkaas lagu toogto sida qoraalka lagu sheegay.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa tilmaamay in ciidanka DANAB ay si qorsheysan isaga kaashadeen howlgallo kala duwan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in inta howlgalka uu socday uu iska hor imaad kooban dhexmaray ciidamada iskaashanayay ee Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa DANAB oo dhinac ah iyo xubnaha ‘AS’ ee howlgalkaas lagu beegsaday.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

56 mins ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

1 hour ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

3 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

15 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

16 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

20 hours ago