Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan casho ah u sameeyay Culimadii ka qaybgashay shirkii 4ta cisho ka socday Muqdisho waxa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan iskaashiga Dowladda & wacyigelinta Bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada Soomaaliyeed uga mahadceliyay baraarujinta Bulshada, kahortagga afkaaraha Xagjirnimada iyo xoojinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo ah waajib ay gudanayaan.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Culimada ay yihiin haldoorka ku dhex jira Bulshada isla markaana laga dhagaysto waxyaabaha wanaagsan ee ku dayasha mudan sidaas awgeed looga baahan yahay in ay kordhiyaan baraarujinta Dadka.
Dhanka kale waxa uu u sheegay in uu soo dhaweynayo go’aamada kaso baxay shirweynihii 3aad ee Culimada Soomaaliyeed oo kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho, talooyinka & go’aannada shirku ay door muuqda ka qaadan doonnaan xoojinta nidaamka Dowladnimada, Ilaalinta qiyamka Diinta Islaamka & kahortagga fikradaha waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ sida uu hadalka u dhigay.
Mustaqbal
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…