GUDAHA/wararka

Putin oo Yurub u ballanqaaday in uusan ku duulli doonnin Dal kale oo qaaraddaas dhaca

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uu yahay u yahay xasiloonida Qaaradda Yurub, waxa uu beeniyay in uu weerar ku yahay Dalal kale oo intooda badan garab siiyyay waqtigii uu dagaalka kula jiray Ukraine.

Vladimir Putin ayaa tilmaamay in uu dalkiisa diyaar u yahay dhaqangelinta nabad ku faafta Yurub inteeda kale, waxaana uu meesha ka saaray warar la faafiyay oo la xiriira in Moscow ay dooneyso in dagaal mowjad kale furto.

Putin oo ka qaybgalay shir-madaxeedka ururka heshiiska Amniga wadajirka ee (CSTO) ayaa mar la weydiiyay haddii dalkiisa Ukraine kaddib uu weerarayo Dal kale oo Yurub ah waxa uu beeniyay hadalladaas isaga oo ku tilmaamay kuwo colaad loogu abuurayo.

“Waa wax lagu qoslo wararka sheegaya in aan duullaan ku nahay dal kale oo Yurub ah, waxa aan damaanad qaadanayaa arrintaas in aysan dhicin, xitaa waxa aan diyaar u ahay in aan u saxiixo, runtu waxa ay tahay marnaba ma qorsheyn taasi” Ayuu yiri, MW Vladimir Putin.

Mar dib loo xusuusiyay kahor duullaankii Ukraine uu ku qaaday sanadkii 24kii Febaraayo 2022 balse kahor xiligaas oo dhowr jeer wax laga weydiiyay in uu weerar ku yahay dalkaas waa uu beeniyay jiritaanka warkaas inkasta oo markii dambe uu weerarka qaaday.

Fariin ayuu u diray ciidanka Ukraine ee weli is hor fadhiyaan isaga oo sheegay in waajib ku tahay inay isaga baxaan dhulka ay hadda joogaan si colaadda usoo afjaranto, haddii ay diidaan ayuu carrabka ku dhuftay in awood Militari u adeegsanayaan.

“Ciidamada Ukraine waa in ay ka baxaan dhulka ay hadda hayaan, markaas dagaalka waa istaagayaa, Haddii aysan dib u guran, waxa aan ku qasbi doonnaa awood ciidan” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

49 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

12 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

14 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

19 hours ago