GUDAHA/wararka

Muxuu yahay heshiiska Soomaaliya ay ku biirtay ee loosoo gaabiyo IMSO?

Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka lagala socon karo dhaqdhaqaaqa Maraakiibta iyo doomaha maraya badaha ee loosoo gaabiyo IMSO si ay uga warqabto waxyaabaha ka dhacaya baddeeda.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo uu wehliyo Agaasimaha Dekedda Muqdisho Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa la kulmay mas’uuliyiin katirsan hay’adda IMO.

Xoghayaha guud ee Hay’adda IMO Arsenio Dominguez iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Soomaaliya loosoo bandhigay shuruudaha laga doonayo oo ugu dambayn ay aqbashay sida ay sheegaan wararka la helayo.

Wasiir Cabdulqaadir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay heshiiskaan Caalamiga ah ee IMSO, wixii hadda ka dambeeyana ay la socon doonto dhaqdhaqaaqa ka socda baddeeda.

“Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO Mudane Arsenio Dominguez, annaga oo yeelannay kulan doceed aan si rasmi ugu wareejiyay waraaqaha rasmiga ee caddaynaya ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ah ee IMSO. Ku biirista Soomaaliya waxay xoojinaysaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya iyo sida iskaashigaan cusub uu uga qaybqaadan karo dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii loo heli lahaa hannaan wanaagsan oo lagu xoojin karo amniga iyo badqabka badda Soomaaliyeed. Waxaan hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay casriyaynta hay’adaha ka howlgala badda, xoojinta shuruucda lagu maamulo badda, iyo ilaalinta xeebteenna baaxadda leh,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS.

Waxa uu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay “Annaga oo ka faa’iidaysanayna gacansiinta iyo wada shaqaynta aan la yeelanayo IMO, waxaan ku kalsoonnahay in Soomaaliya ay heli doonto amni badeed waara. Annaga oo isku duuban, waxaan ilaashan doonnaa baddeenna, xoojin doonnaa ganacsigeenna, waxaana hirgelin doonna hannaan looga faa’iidaysan karo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso adkaynta amniga badda, Hawada iyo xuduudaha si loo dhaqangeliyo arrintaasina ay u gashay heshiisyo caalami ah oo u sahlaya shaqadaas sida ay hadalka u dhigtay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

6 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

11 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

13 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

17 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

18 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

18 hours ago