GUDAHA/wararka

DFS oo dib u celisay Ciidankii hubaysnaa ee Siciid Deni & Axmed Madoobe iska soo hormariyeen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dib u celisay diyaarado waday Ciidamada hubaysan oo kasoo duullay Garoowe & Kismaayo isla markaana hordhac u ahaa Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Daqiiqado kahor inta aan la celin ciidankaan waxaa Baraha Bulshada lasoo geliyay iyaga oo kasoo safraya Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo isla markaana hubaysan halka qaarkood dhammaan jirkooda ay dahaaran yihiin.

Intaas kaddib waxaa soo baxay warka la xiriira in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay amartay in ay dib ugu noqdaan Ciidamadaas labadii Magaalo ay kasoo safreen ee Garoowe iyo Kismaayo sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Ma jiro war faahfaahsan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay sababta ka dambaysa go’aankaan maadaama ay hordhac u ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ku martiqaadan shirka ay ku ballansan yihiin Dowladda iyo Mucaaradka.

Sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland oo looga falceliyay go’aankaan, waxaana la sugayaa go’aanka Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ka qaataan arrintaan & sida uu noqon doonno safarkooda Muqdisho.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

8 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago