Wararka ka imaanaya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud waxa ay sheegayaan in saaka markale ka qarxay dagaal u dhexeeya labo maleeyo beelood oo maalin kahor ku dagaalamey deegaanka.
Dagaalka ayaa sigaara u dhacey deegaan lagu magacaabo Heglatariya 7 Kiilo Mitir ujira deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud,sida ay noo xaqiijiyeen goob jooogayaan ku sugan deegaanka.
Maleeshiyada dagaalameysa ayaa isku heysta dhul qaadsimeed deegaanka ku yaal halkaas oo dhowr mar oo hore ay ku dagaalameen,dadka deegaanka ayaa Mustaqbal Radio u sheegey in ay maqlayaan dhawaqa rasaas ay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka dagaalamaya.
Waxaa deegaanka ku baxay ciidamo katirsan qeybta 21 aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya waxaana muuqata in dagaalkii markale ka bilaawday deegaanka Kaxandhaale.
Hadba wixii ka soo kordha kala soco Mustaqbal Radio
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…