Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Ciidamada Ammaanka oo isugu jiro kuwa Dowladda iyo AMISOM ka dalbaday in ay gacanta ku dhigaan dadka u dacwo tago Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in ay la xiri doono 3-Bil sidoo kalena ay ganaaxi doonaan lacag dhan ($500) Shan Kun oo Doolar.
Gudoomiye Dabageed ayaa tilmaamay in ay ogyihiin dadka u dacwo tago Deegaanka Booco, ama loogu yeero, digniinta ugu dambeyso ayuu sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay qabaan.
Waxa uu intaa ku daray in hadii Maxkamadaha Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo Jilcan oo aan u kala xukun ridi karin in ay u tagaan Culimada meeshii ay u aadi lahaayeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta Xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan la wareegay, waxa uuna sheegay in isbadal Muuqda uu kusoo kordhin doono Gobolka maadaama uu sheegayo in uu waaya-aragnimo buuxdo u leeyahay shaqada Gobolka.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…