Cabdi Maxamuud Cumar oo Dalbaday Cafis lagu sii daayo.

Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno katirsanaa Maamulkiisa ayaa maanta markale la horgeeyay Maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa.

Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa Guddiga baaritaanada ku haya Kiisaska ay ku eedeysan yihiin Xubnaha xiran ugu sii dartay 10-Cishe oo dheeraad ah.

Cabdi Maxamuud oo kahor hadlay Maxkamadda ayaa sheegay in wali ay dhibaatooyin ku qabaan Xabsiga, waxa uu codsaday in wax laga qabto.

Waxyaabaha ugu badan ee ay ka cabanayaan waxa uu ku sheegay in ehelada dadka qaar ee isaga la xiran lagu qasbo in ay kula sheekeesaan Maxaabiista Af Amxaariga si Ilaalada Xabsiga ay u fahmaan waxa ay kawada hadlayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan waqti badan arkin Cad-ceeda, taasine uu u baahan yahay in wax laga qabto sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiye Axmed ayuu ka dalbaday in uu Cafis ku sii daayo isaga iyo Xubnaha la xiran.

Cabdi Maxamuud iyo Shaqsiyaadka lasoo shaqeeyay ee la xiray ayaa horay Maxkamadda loogu geeyay 14-kii bishaan, waxaana Xeer ilaalinta Horay ayay Maxkamadda loogu geeyay, 14-cishe oo dheeraad ah ayaa xiligaas loo siiyay Guddii loo xilsaaray Kiiskiisa.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

13 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

13 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

16 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

16 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

17 hours ago