Ciidamada Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa ku dagaalamay duleedka degmada Diinsoor ee gobalka Baay ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Qaybta 60 aad ee Ciidanka Xoogga dalka ay howlgalo ka sameeyeen deegaano ay Maamulaan Al shabaab oo dhaca duleedka Degmada Diinsoor ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Cabdisalaan Xaaji sidow Maxamed Gudoomiyaha degamda Diinsoor ayaa xusay in dagaalkaas ciidanka dwoladda ay ku qaadeen fariisin Al-shabab ay ku leeyhin degaano hoostaga degamdaas islamarkana khasaaro ay gaarsiiyeen.
Waxa uu sheegay in todobo kamid ah Alshabab ay kaga dileen dagaalkaas inkastoo dhanka Al-shabab aysan wax war ah kasoo saarin dagaalka.
Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale dhowr jeer ku dagaallamay Magaalada Diinsoor iyo degaannada ku hareereysan.
Diinsoor waxaa ay ka mid tahay Magaalooyinka Gobolka Baay ee ay go’doomiyiin Al-shabaab, waxaana ku wareegsan Buuro, marka laga reebo dhinaca Woqooyi oo ay ku leedahay Dhul beereed balaaran waxayna caan ku tahay dhaqashada Xoolaha iyo Beeraha, dhulkeeduna wuxuu isugu jiraa Buuraley, Dhul Beereed.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…
Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…
Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…