Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Gaarka ah ee Puntland ay xalay Howlgalo ka sameeyeen qaybo kamid ah Xaafadaha magaalada.
Xaafadaha xiga dhulka Buuraleyda ah ee ay ka howlgalaan Ciidamada Badda iyo kuwa gaar ah ee Puntland ayuu howlgalka dhacay.
Gawaarida, Guryo si gaar ah loo tuhmayay iyo shaqsiyaad ayey Ciidamada ku bartilmaameedsanayeen howlgalkooda, waxayna Ilo Wareedyo Mustaqbal Radio u sheegeen in dad ay qabqabteen ay la aadeen Saldhigyadooda.
Madaxweynaha Maamulka Puntalnd Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Saraakiisha Ciidamada Puntland amray in ay kordhiyaan howlgalka lagu sugayo Ammaanka isla markaana looga hortagayo Weerarada Daacish iyo Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa howlgalo ka sameeyoaGobolka Bari, iyaga oo sheega in ay kusoo qabqabtaan xubno katirsan Daacish iyo Al-Shabaab.
Baaritaanada Gawaarida Yar yar ayey Ciidamada Puntand kordhiyeen, waxaana jira tuhun laga qabo in loo adeegsado Weeraro lagu qaado Xarumaha Maamulka iyo Saldhigyada Ciidamada.
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…
Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…
Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…
Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…