Xog: Masar oo dhex dhexaadineysa Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Magaalada Beinjing, ee caasimadda Dalka China waxaa shalay kulan ku yeeshay Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya C/Fitaax Al Siisi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shirkan oo labada Madaxweyne ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,iskaashiga dhaqaalaha iyo in Masar ay maalgashato Soomaaliya ayaa waxaa kale oo  laga wadahadlay suurta galnimada gogol ay Masar u dhigto Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Ilo ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si hoose u dusiyay in Madaxweynaha Masar C/Fataax Al Sisi uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kala hadlay  in Masar dhex dhexaadiso khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay go’aanka dhexdhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeyay Waddamada ku jira Isbaheysiga Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta ee uu hoggaaminayo Sucuudiga iyo dhinaca kale oo Qadar ah.

Ilaha ka midka ah Madaxtooyada Soomaaliya ma xaqiijin in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu aqbalay soo jeedinta Masar ee ah in ay gogol u dhigto Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Warar Bilihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa lagu sheegay in Dowladda Sucuudiga ay qaadatay doorka dhex dhexaadinta labada dal,madax ka socotana ku kulmayaan Magaalada Riyaadh ee Caasimadda Sucuudiga.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay shuruud ugu xirtay dib u soo celinta xiriirka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka,waxaana ay shuruuddaas ku sheegtay in ay Soomaaliya raalli gelin ka bixiso lacagtii ay Bishii April sida aan sharciga ula wareegtay.

Wasiiru dowladaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargaash ayaa sheegay in Imaaraadka ay taageereyso midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya kana taageereyso Amaanka hayeeshee ay tahay dowlada Soomaaliya in ay raalli gelin siiyo Imaaraadka si wixii dhacay looga gudbo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

6 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

10 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

11 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

12 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

13 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

14 hours ago