Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalqasi ee Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Jabuuti ee ku jira AMISOM oo kaashanaya kuwa degaanka iyo Al-shabaab ay xalay ku dagaallameen degaankaas.
Ugu yaraan hal Askari oo ka mid ahaa Ciidamada degaanka ayaa la sheegayaa in uu ku geeriyooday dagaalka kooban ee dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo dhinaca ah iyo Al-shabaab.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka oo muddo kooban socday ay aad u maqlayeen Rasaasta la isku ridayay.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ayaa kaddib howlgal ka billaabay degaanka iyada oo aanay jirin ilaa hadda cid ay u soo qabteen weerarkii xalay ka dhacay Jalalaqsi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhan ah AS ee ka socda Deegaannada…
Waxaa Maydkiisa bannaanka loo soo saaray qof kamid ah dadkii ku xayirnaa Dhismaha ku dumay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Muqdisho uu ka jiro amni xooggan…
Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Turkiga munaasabadda 103-guurada Jamhuuriyadda Turkiga. War-saxaafaded ka soo baxay…
Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maanta Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ku qabtay madasha…
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa maanta magaalada Muqdisho…