Ciidanka Itoobiya oo xiray qaar ka mid ah mas’uuliyiintii dowlad degaanka

Wararka saaka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga ah ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah madaxda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ilo ka mid ah Milatariga Itoobiya ayaa u sheegay Wargeyska Adis Standard ee ka soo baxa Adis ababa in Mas’uuliyiinta Xabsiga la dhigay lagu heysto in ay ka dambeeyeen kacdoonkii shalay ay sameeyeen dhallinyarada Magaalada Jigjiga ee sababay dhaca iyo boobka.

Isha la hadashay A dis Standard waxaa ay sheegtay in Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar la gelin doono Xabsi ay leeyihiin Ciidanka Federaalka islamarkaana muuqaal kooban oo shalay gelinkii dambe laga duubay ay ka duubeen Milatariga Itoobiya.

Xarigga Cabdi Mxamuud Cumar ayaa lagu sheegay in ujeedadiisu tahay in laga hortago dhiig kale oo ku daata Magaalada Jigjiga iyo degaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Rabshadihii shalay dhacay kaddib dowladda dhexe ayaa u yeertay Cabdi Maxamuud Cumar waa uu diiday waxaana uu ku hanjabay in uu jibinayo qodobka 39aad ee Dastuurka dalka Itoobiya.

Waxaa kale oo qofka la hadlay Adis Standard uu sheegay in Ciidamada Liyuu Booliska qaarkood xabsiga la dhigay kaddib markii ay ka amar qaadan waayeen Madaxweynaha dowlad degaanka.

Xigasho:Adis Standard

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

11 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

14 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

16 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

17 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

17 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

18 hours ago