Muqdisho: 6 qof loo qabtay Al-shababnimo

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhoigay Lix qof oo midi haweeney tahay kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa soo bandhigay lixda qof,Labo Baskoolad,Shan Bambo, Computer iyo Codbaahiye,waxaa kale oo ay wateen Dukumiinti la sheegay in laga soo dhiibay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Maxamed Cabdullahi Tuulah iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid,  Axmed Maxamed Xasan Geeddow  ayaa ugu baaqay dadka degaanka in ay iska hubiyaan dadka ay guryaha ka kireynayaan.

Dadka la soo qabtay ayaa lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista ee C.I.D ee Muqdisho,halkaas oo baaritaan lagula sameynayo.

Maamulka Yaaqshiid ayaa lixda qof ku sheegay in ay qirteen ka mid ahaanshaha Al-shabaab,waxaana lagu soo bandhigay Saldhigga Degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

12 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

15 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

16 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

18 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

18 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

19 hours ago