Ciidanka Dowladda oo sheegay in Al-shabab ay ka saareen inta u dhaxeysa Beledweyn iyo Maxaas

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay AL-shabaab ka saareen degaanno u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyn.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Axmed Maxamed Tareedishe  ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne ku saareen qaar ka mid ah Ciidamada Al-shabab ee ku sugnaa Tuulooyinka u dhaxeeya labada Magaalo.

Tareedishe ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen degaannada kala ah Oratan Hees, Cali Ganeey oo u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyne.

Waxaa uu intaas ku daray in howlgallada ay sii wadi doonaan islamarkaana dhaq dhaqaaqa inta u dhaxeys Maxaas iyo Beledweyne ay nabad ka dhigi doonaan.

Shalay Al-shabab ayaa waxaa ay soo bandhigeen shan askari oo ay ku sheegeen in ay ka goosteen Ciidanka dowladda ee jooga Maxaas,kuwaas oo lagu soo bandhigay AL-shabab.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

1 hour ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

1 hour ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

2 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

16 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

18 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

21 hours ago