Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa war ka soo saaray dhallinyaro lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin amni xumada ka jira caasimadda Gobolka ee Boosaaso.
Kulan ay Magaalada Boosaaso ku yeesheen Guddiga amniga Maamulka Gobolka ay kaga soo saareen dhowr qodob oo digniin ah.
Qodobada laga soo saaray waxaa ka mid ah in Waaliddiinta aysan ka daba hadli karin dhallinyarada lagu helo dhibaateynta shacabka ee ay Booliska gacanta ku dhigaan.
In qofkii Dhallinyarada ka mid ah ee isaga oo ku jira faldhac ah la qabto laguna rido Gaariga Booliska ee shabaqlaha lana geeyo Gobollada kale ee Puntland iyo qodobo kale.
Guddiga AMniga waxa ay sheegeen in inta badan dhallinyaradaasi ay Habeenkii dhac u geystaan dadka iyaga oo qaata Taleefannada Gacanta.
Boolisa Puntland ayaa dhowr jeer ka digay dhibaatada ay dhallinyarada ka wadaan degaannada Puntland gaar ahaanna Magaalooyinka ay ugu badanyihiin ee Garowe,Boosaaso iyo Gaalkacyo.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…