Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka dagaal kooban kaddib la wareegay degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose.
Ciidamada ayaa fariisin ka sameystay Bariirre,waxaana jira degaanno kale oo ay doonayaan in ay ka qabsadaan Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo degaannadaas maamula.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya ee howlgalkaas ku jira ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamo ku jiray Xerada Jeneraal Gordan ee Muqdisho oo hadda ku jira N50 ay Saldhig weyn ka sameysan doonaan Bariirre.
Saraakiisha ayaa intaas ku daray in meesha xigta ee ay Ciidamada dowladda kala wareegayaan AL-shabaab ay tahay Degmada Awdheegle,waxaana sii xigaya degaanka Jannaale oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa degaanka Bariirre ka qabsatay Al-sbabaab bil kaddib markii ay qabsadeen degaanka Sabiid 1dii April .
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…