Kooxda Arsenal ayaa wali sii wada dhibaatadii iyo natiijo xumadii ay ku bilabatay xilli ciyaareedka kadib markii ay guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Chelea kulan si weyn loogu awood sheegtay kooxda Gunners.
Kulanka ayay kooxda chelsea si dar-dar leh ku soo gashay iyaga oo qaadayay weeraro wareer ah halka ay kooxda Arsenal ugu jawaabaysay weeraro goos-goos ah.Chelsea ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay dhaliso goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu daqiiqadii 9-aadba goolka 1-aad ee ciyaarta u dhaliyay xiddiga Pedro Rodriguez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Arsenal ayaa isku dayday in ay iska caabiso Chelsea waxana ay qaaday weeraro goos-goos ah oo ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha.
Gunners ayaa ku dhawaatay in ay dhaliso Goolka 1-aad ee bar-baraha laakiin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si la yaab leh u khasaariyay fursadaas cajiibka ah.
Chelsea aya Arsenal ku ciqaabtay fursadii uu Pierre-Emerick Aubameyang ka khasaariyay waxana ay ka dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta.
Daqiiqadii 20-aad ayuu xiddiga Alvaro Morata Chelsea u dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa.
Kadib fursado dhawr ah oo kale oo ay iska khasaariyeen kooxda Arsenal ayaa dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo iska soo baday hal gool.
Daqiiqadii 37-aad ayuu xiddiga khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan dhaliyay goolka 1-aad ee Arsenal ee kulanka isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Gunners ayuu goolkii ay dhaliyeen siiyay rajo fiican waxana ay bilaabeen sidii ay u raadin lahaayeen goolka bar-baraha ka hor inta ayna ciyaarta qaybteeda hore dhamaan.
Daqiiqadii 41-aad ayay Gunners ku soo laabatay ciyaarta iyaga oo uu goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Alex Iwobi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid xiiso iyo xamaasad weyn leh oo ay labada kooxoodba shabaqa soo taabteen min laba jeer.
Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ka qaboobayd marka loo eego qaybtii hore iyada oo ay labada kooxoodba ku jireen is ilaalin dheeraad ah sidoo kale qaadayeen weeraro nidaamsan oo ayna ku jirin khaladaad dhanka daafacyada labada kooxood ah.
Labada kooxood ayaa sameeyay fursado laga dhalin karo goolal ciyaarta wax ka badala laakiin waxa u suurtagali wayday in ay shabaqa soo taabtaan.
Chelsea ayaa daqiiqadii 80-aad ciyaarta wax ka bashaday kadib markii ay dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Marcos Alonso kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda chelsea sidaas ku gaadhay guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah halka Gunners dusha loo saaray guuldaradii 2-aad oo xiriir ah.
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…
Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…
Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…
Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…