Carruurtaan oo labo ah waxa ay u dhasheen dalka Vietnam, waxaana ay garteen in qalabka Afka iyo sanka dhowra (Face Mask) oo gaaraya 20,000, si ay uga faaiideystaan muwaadiniinta Ingiriiska oo saameyn taban ku yeeshay Cudurka Corona.
Qoraal ay soo dhigeen Bartooda Twitter-ka Carruurtaan oo lagu kala magacaabo Nhan iyo Khoi, kuna sugan Magaalada Hanoi waxa ay tilmaameen in muddo ah ay uruurinayeen qalabkaan ka sameysay maryaha ama suufka jilcan ee aan dadka xirta Neef qaadashada ku dhibeen.
Danjiraha Britain ee dalka Vietnam Gareth Ward waxa uu u mahad celiyay Carruurtaan deeqda siisay Dowladiisa, isaga oo amaanay in isku daygooda wanaagsan oo uu ku tilmaamay in ku dayasho ay mudan yihiin.
Qalabka ayuu xaqiijiyay in loo qaaday Boqortooyada UK Todobaadkii tagay, kadib markii diyaarad nuuca Rakaabka ah oo ka baxday Vietnam la saaray, waxaana uu sidoo kale sheegay in Britain dib loogu celiyay 100-ruux oo dalkaas ku xayirnaa maalmihii lasoo dhaafay.
UK waxa ay ku jirtaa kaalinta lixaad ee dalalka uu saameynta taban ku yeeshay Cudurka Coronavirus, waxaana kaliya ka sareeyo Mareykanka, Spain, Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka.
Guud ahaan dadka uu haleelay Fayruska Corona dalka Ingiriiska waa 138,078 (Boqol, soddon iyo siddeed kun, todobaatan iyo siddeed ruux), halka ay ku dhinteen 18,738 (Siddeed iyo toban kun, Todobo boqol soddon iyo siddeed).
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…