GUDAHA/wararka

Qaraxyo loo adeegsaday Gawaari oo ka dhacay Magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka KGS.

Magaalada Baraawe ee xarunta Dowlad Goboleedka KGS balse uusan ku shaqeyn Maamulka waxaa maanta ka dhacay Labo Qarax oo loo adeegsaday Gawaari, waxaana labada Qarax lagu weeraray Saldhig Ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee Degmadaas.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Baraawe ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada AMISOM ay rasaaseeyeen Gawaarida qaraxyada, midkooda uu ku qarxay afaafka hore halka kan kale meel aan sidaa ugu fogeyn Garoonka diyaaradaha uu ku qarxay.

“Al-Shabaab ayaa Labo Gaari oo ay kusoo rareen walxaha Qarxa isku dayay in ay ku weeraraan Garoonka diyaaradaha Baraawe, balse Ciidamada AMISOM ee ku sugan ayaa fashiliyay, umana suurta galin in gudaha ay galaan Gawaarida” sidaasi waxaa Mustaqbal u sheegay mas’uul katirsan Maamulka Degmada Baraawe.

Waxa uu intaa raaciyay in ciidamada ay baaris wadaan, waxaana uu sheegay in aysan jirin waxyeelo gaartay dadka Shacabka, Askarta Degmada, halka aysan jirin waxyeelo gaartay Ciidamada Uganda ee howlgalka AMISOM ku jira oo ay la wadaageen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsadeen labo Gaari oo walxaha Qarxa kusoo rareen ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ku jira Howlgalka Midowga Afrika oo ku yaalla Degmada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka KGS.

Waxa ay intaa ku dareen in Saldhigga ay weerarka ku qaadeen xili hore oo saakay ah uu ku yaallo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ma aysan shaacin Khasaaraha ay geysteen weerarada Gawaarida labada ah ay u adeegsadeen, sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Ciidamada Uganda iyo howlgalka AMISOM oo ay kaga hadlayaan waxyeelada ka dhalatay Qaraxyada.

MM Editor

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

54 mins ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

6 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

9 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

13 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

14 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

15 hours ago