Taliska Booliska Kenya ee dhinaca Xeebta dalkaas ayaa sheegay in Haweeney u dhalatay Dalka Talyaaniga wali lagu heysto gudaha dalkaas.
Booliska waxaa ay beeniyeen in Haweeneydaas ay jirto gudaha Soomaaliya,waxaana ay intaas ku dareen in ilaa hadda xogta ay hayaan muujineyso in ay ku jirto gudaha Kenya.
Taliyaha Booliska Xeebta ee dalka Kenya Marcus Ochola, ayaa sheegay in Cimillada oo aad u adag iyo Isgaarsiinta oo liidata darteed ay adkaatay in ay howlgal ka fuliyaan degaannada lagu tuhmayo.
Waxaa uu xusay in howlgalka xooggiisa ay la damacsanyihiin Kenynta Booni, laakiin ay aad u adagtahay xilligan.
Ugu yaraan 100 Qof oo lala xiriirinayo ragga wax afduubtay ayaa lagu xiray Gudaha Kenya kuwaas oo uu baaritaan ku socdo.
Haweeneydan oo 23 jir ah ayaa 20kii November laga afduubtay degaanka Kilifi ee Waqooyi Bari Kenya.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…