Booliska Kenya oo Haweeney Soomaali ah ku dilay Mandheera

Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa Haweeney Soomaali ah ku dilay degaanka Rhamo, oo ah degaan hoostaga Magaalada Mandheera.

Askarta Booliska ah ayaa toogtay Cabdiya Cumar oo Gurigeeda ka soo baxeysay xilliga ay tooganayeen.

War ka soo baay Booliska ayaa lagu sheegay in xilliga dilka uu dhacayay ay Booliska Roondo ku jireen islamarkaana ay Cabdiya weydiisteen in ay istaagto kana dhega fureysatay sidaasna mid ka mid ah Askarta uu rasaas ugu furay.

Dhallinyarada degaanka ayaa isu soo bax ka dhigay,waxaana ay sidoo kale is qabteen Ciidamada Booliska ee degaanka.

Cabdi Xasan Geedoow oo ka mid ah Dadka degaanka ayaa sheegay in Booliska Kenya ay toogteen Cabdiya iyaga oo ka hor dilka la hadlay laakiin ay maqli weysay.

Kiplagat Tarus, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Waqooyiga Mandheera ayaa sheegay in Guddi xaqiiq raadin ah oo dilkaas baaritaan ku sameeya ay direen islamarkaana ay natiijada ka war sugayaan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

8 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

10 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

11 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

15 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

18 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

18 hours ago