Boolis tababar loogu soo xiray Muqdisho

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan  Cali Kheyre iyo Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa tababar u soo xiray Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa tababarka loogu soo xiray xarunta Jeneraal Kaahiye ee Booliska Somaaliya.

Tirada Booliska ee Tababarka loo soo xiray ayaa lagu sheegay 1400 oo Askari, oo ay ku jiraan 96 Dumar ah.

Ra’isalwasaaraha  ayaa salaan ka qaatay Ciidamada Booliska ah,waxaana uu ciidamada Booliska ah kula dardaarmay in ay si wanaagsan u gutaan shaqada Boolisnimo ee u billaabatay.

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Taliyaha Booliska ayaa joogay madasha tababarka loogu soo xiray Ciidamada Booliska cusub.

Ciidamadan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay tababar ku qaadanayay Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 mins ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

37 mins ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

2 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

2 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

16 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

17 hours ago