GUDAHA/wararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta waqti dheeraad ah geliyay ka doodista Dastuurka Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa Xildhibaannada xaadiray kulankooda wadajirka ah u sheegay in waqti dheeraad ah ay sii shaqayn doonnaan.

Aadan Madoobe ayaa Xildhibaannada u sheegay in maanta aanay bannaanka loo aadi doonnin qado isla markaana xaruntooda loogu keenayo si loosii gudagabo fadhiga oo qaadanaya waqti ka badan saacadihii uu horay qaadan jiran.

Sababta uu Guddoonka Baarlamaanka u qaatay waxa uu Guddoomiye Aadan Madoobe sheegay in ay tahay waqtiga oo isguraya, Howsha Dastuurkana u furan tahay maadaama uu ay sugayaaan 20 Milyan oo Soomaali ah sida uu hadalka u dhigay.

“20 Milyan oo Soomaali ah ayaa na sugeysaa, culeys weyn ayaa na saaran, Dastuurka aan dhammeystirno, marka salaadda lasoo tukado lasoo  noqdo, maanta laga billaabo waxa aan u samaynaynaa Qado shaqo, waqtiga wuu nagu yar yahay oo waad ogtihiin Soon ayaa soo dhaw” Sidaasi waxaa yiri, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe iyo Abshirow yaa ku guuleystay shirguddoominta Baarlamaanka afartii kulan ee u dambeysay?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe ayaa 2 jeer ku guuldaraystay in si xasiloon uu Baarlamaanka u galo Doodda wax ka badalka dastuurka ee cutubyada 4aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ee Dalka.

Halka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee BFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku simaha Guddoomiyaha ah suuragalay labadii kulan u dambeeyay in Xildhibaannadu ka doodaan wax ka badalka Dastuurka dalka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa ka maqnaa 47 Xildhibaan oo Guddoonka u diiday ka qaybgalka dhowr kulan kaddib markii lagu eedeeyay in ay sameeyeen rabshado uu ka furmi waayay kulamo xiriir ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago