Diyaarad rakaab oo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo, ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaaradda ayaa la soo sheegayaa inay la kulantay cilad farsamo wax ka yar 15 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay.
Duuliyaha diyaaradda ayaa isku dayay inuu dib ugu soo laabto garoonka si uu degdeg ugu dego, balse intii ay ku guda jirtay isku daygaas ayay diyaaraddu ka baxday dhabaha loogu talagalay, iyadoo ku dhacday dhanka xeebta ee garoonka ku dhow.
Saraakiisha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay saarnaayeen 55 qof, kuwaas oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda.
Ma jiro wax khasaare ah oo gaarey dadka rayidka ah ee la socday Diyaaradda marka laga reebo burburka diyaaradda.
Kooxaha gurmadka degdega ah iyo dab-damiska garoonka ayaa durbadiiba gaaray goobta ay diyaaraddu ku dhacday, iyagoo ku guulleystay in si nabad ah rakaabka loo soo saaro.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…