Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka maanta u gudbisay nidaamka aasaaska u ah dhismaha Hay’ad u xilsaaran Dakhli uruurinta Dalka maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay Dalladda Bulshada Bariga Dhexe.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo faahfaahin siiyay Xildhibaannada kana jawaabay su’aalaha laga weydiiyay ayaa sheegay in aanay hay’addaan soo kordhin doonnin lacag dheeraad ah ama soo rogi doonin canshuur cusub.
Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dhismaha Hay’addaan aanay kahor imaanayn heshiiskii Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada ee Baydhabo ku jaangooyeen hannaanka canshuuraha iyo maaliyadda Dalka.
“Waxaa tacab badan la geliyay nidaamka Hay’adaha Maaliyadeed guud ahaan Dalka, Dakhli uruurinta ayaa kor loo qaaday balse waxaa hadda laga maarmi waayay in la dhiso Hay’ad u xilsaaran Dakhliga” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Iimaan Cige.
“Hindise sharciyeedka lagu dhisayo Hay’adda u xilsaaran Dakhliga ma waajibinayo Lacag cusub mana soo kordhinayo Canshuur dheeraad ah ee wuu xoojinayaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay xoogga saarayso hagaajinta nidaam la jaanqaadaya Dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Dhexe oo ay kamid tahay Canshuuraha iyo xoojinta dakhliga gudaha.
Mustaqbal
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkii saakay waqti…
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo…
Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dareemaya culays Amni…
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay waqti hore…
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Cadaado ee…
Cristiano Ronaldo oo shaaciyay inuu Qorsheynayo inuu Ciyaaraha ka Fariisto sanadka soo socda, isagoo taariikh…