War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkii saakay waqti hore ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koofur Galbeed lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo katirsan AS
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ay kahor tageen duullaankaas oo ay shaacisay in lagu doonayo in qalqal lagu geliyo nabadgalyada sida ay hadalka u dhigtay.
Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen ee Magaalada Baydhabo isaga baxay ayaa sheegtay in uu duullaankaas ku qaaday Magaaladaas, halka Dowladdu ay tilmaamtay in ay dagaalkaas la gashay xubno katirsan ‘AS’
Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS:
Ciidamo taabacsan Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhowr jeer weerarro ka gaystay duleedka Magaalada Baydhabo, waxa ay iska caabbin kala hortageen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka talada haya ee Koofur Galbeed.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…
Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…