Baaq wadajir ah oo ay ku heshiiyeen waddamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya

iyada oo la tixgelinayo in dadyowga Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya ay wadaagaan deegaan, taariikh, dhaqan, diin iyo danno muhiim ah;

Iyada oo la qaddarinayo madaxbannaanida dowladeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee wadanka kasta;

Iyaga oo xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah si ay u gaaraan yoolkooda sare;

Dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay gaareen heshiiska soo socda oo ka tarjumaya himilooyinka shucuubtooda:-

  1. Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaarista yoolka shucuubtooda.
  2. Saddexda waddan waxay abuurayaan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.
  3. Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.
  4. Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.

DHAMMAAD

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

6 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

10 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

11 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

12 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

12 hours ago