Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan,ayaa waxaa uu ka hadlay amaanka waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.
Axmed Meyre oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ciidamada AL-shabaab ee weerarrada ka geysta Gobollada Shabeellaha dhexe,Shabeellaha hoose iyo Banaadir ay degganyihiin degaanka Basra oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.
Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in amaanka dalka ay mas’uul ka tahay dowladda Federaalka ah loona baahanyahay in ay wax ka qabato sidii Ciidanka AL-shabaab ee deggan Basra looga saari lahaa.
Al-shabaab ayuu sheegay in xilliyada Habeenkii ay galaan jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar weerarrana ka geystaan islamarkaana ku laabtaan degaanka Basra.
Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in uu wado dadaal wax looga qabanayo arrintaas hayeeshee loo baahanyahay in dowladda Federaalka ah ay kaalinteeda qaadato.
Halkan ka daawo wareysiga guddoomiye Axmed Meyrre oo muuqaal ah
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…